Inka Badan 10 Sarkaal Oo Dowlada Sacuudiga Looga Dilay Yemen.

Wararka ka imaanaya dalka Yemen waxey sheegayaan in saacdihii lasoo dhaafay gudaha dalkaasi lagu dilay (12) Labo iyo Toban sarkaal oo ka mid ah saraakiisha Sacduuiyaanka ee horkacayo duulaanka dowladaha Taxaalufka ku qaadeen dalka Yemen.

Saraakiishan ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Ma’rab waxeyna warar hoose sheegayaan in diyaaradaasi lala helayo Gantaal oo sidaasi ay ku burburtay.

Dowlada daba dhilifka Aala Sacuud ayaa xaqiijisay geerida Labo iyo Tobanka sarkaal balse waxey ka gaabsatay iney xaqiijiso wararka sheegaya in diyaaraddaasi Gantaal lagu dhuftay.

Diyaaradan ay ku halaagsameen saraakiisha Sacuudiyaanka ayaa ah diyaarad ciidan oo Elecobtar ah taasi oo gabi ahaan burburtay.

Calamada.com