Xiisad Ka Taagan Buulo-burte Iyo Askari Jabuutiyaan Ah Oo Lagu Dilay.

Wararka ka imaanaya degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in gudaha degmadaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Dowlada Ridada Jabuuti iyo kuwa dowlada Ridada Farmaajo.

Xiisadan ayaa timid kadib markii askari ka tirsan dowlada federaalka gudaha degmadaasi gaar ahaan bartamaha suuqa Ceel-gaabta ku toogtay askari Jabuutiyaan ah.

Ciidamada Jabuuti oo si aad ah kaga carooday askariga laga dilay ayaa gudaha degmadaasi ka bilaabay howlgalo ka dhan ah ciidamada dowlada Ridada Federaalka taasi oo si aad ah kaga careysiisay maamulka iyo saraakiisha dowlada Farmaajo ugu magacaaban degmadaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Buulo burte waxey xaqiijiyanayaan in ciidamada Jabuuti ay xabsiga dhigeen askariga dilka geystay iyagoo aanan kusoo wargalinin saraakiisha iyo maamulka dowlada federaalka ee degmada taasi oo sii xoojisay xiisadda ka taagan degmadaasi.

Calamada.com