Qaraxyo Shisheeyaha Lagula Beegsaday Duleedka Afgooye.

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in deegaano ku dhow dhow Laanta Buuro labo qarax oo si xigxigay lagula beegsaday ciidamo kamid ah Kufaarta Afrikaanta oo ku lugeynayay inta udhaxeysa deegaanada Muuri iyo Cabdow Dibille ee dhaca duleedka degmada Afgooye.

Qasaarre badan ayaa kasoo gaaray ciidamadii qaraxyada lagu beegsaday hase yeeshe dib ayaan kasoo gudbin doona tirada dhimashada iyo mida dhaawac ee cadowga kasoo gaartay qaraxyadii mataanaha ahaa ee goordhoweyd lagu beegsaday insha allah.

Qaraxyadan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan weeraro ka kala dhacay duleedyada degmooyinka Afgooye iyo Qoryooley dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen ku dhawaad Toban askari oo shisheeyaha AMISOM ah.

Calamada.com