Sawiro Beesha Yabadhaala Ceyr Oo Machad Furatay.

Munaasabad ballaaran oo Machad diini ay ku furatay Jufada Yabadhaale Ceyr ee beelweynta Habar gidir ayaa ka dhacday mid ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Jowla ee gobalka Mudug.

Munaasabada furitaanka Machadkan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin sida waaliga gobalka Mudug Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan iyo waaligii hore ee gobalka Gedo Sheekh Cabbaas.

Sidoo kale goobta munaasabadda waxaa ka hadlay odayaasha dhaqanka,Nabadoonada iyo waxgarka beesha Ceyr’iyadoona machadkan uu noqonayo midkii labaad oo Beesha Ceyr ay ka furato gobalka Mudug.

Halkan Ka Hoose Ka Daawo Sawirada Furitaanka Machadka.

Calamada.com

Comments are closed.