Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobalka Al-beydhaa.

Wararka ka imaanaya dalka Yemen waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay weerar khasaara dhaliyay uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Albeydhaa oo dhaca bartamaha dalkaasi.

Weerarka waxaa lagu qaaday saldhig maleeshiyaatka Xuuthiyiinta ay ka sameysteen deegaanka Al-sowmacah oo ah deegaan ka tirsan gobalka Al-beydhaa.

Weerarka oo ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab waxaa lagu dilay Afar askari Xuuthiyiin ah tiro intaa ka badan waa lagu dhaawacay weerarkaasi.

Maalmo ka hor ayeey aheed markii weeraro ciidamada Mujaahidiinta Al-qaacidah ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobalka Ib dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen inka badan Labaatan askari oo Xuuthiyiin ah.

Sanadkii u dambeeyay weerarada ciidamada Mujaahidiinta Al-qaacidah ay ka fuliyeen dalka Yemen gaar ahaan weerarada ka dhanka ah maleeshiyaatka Xuuthiyiinta waxaa lagu dilay Soddon iyo Lix Sarkaal oo Xuuthiyiin ah’iyadoona askarta Xuuthiyiinta ee lagu dilay weeraradaasi ay Boqolaal kor u dhaafayaan.

Calamada.com

Comments are closed.