Qarax Ka Dhacay Magaalada Baydhabo.

Wararka laga helayo degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxey sheegayaan in gudaha degmadaasi ka dhacay weerar qarax ah oo lala beegsaday maleeshiyaatka Murtadiinta ee maamulka Shariif Sakiin.

Qaraxa oo loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuura waxaa lagu weeraray isbaaro maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin ay dhigteen xaafada Buulo Usleey oo ka mid ah xaafadaha magaalada Baydhabo.

Dhawaaqa qaraxa Bam waxaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Baydhabo’iyadoona dadka deegaanka ay sheegeen iney jiraan khasaara nafeet oo maleeshiyaatka Konfur Galbeed lagu gaarsiiyay qaraxaasi.

Weerarkan waxa uu imaanayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo khasaara nafeet ciidamada Kufaarta Afrikaanta lagu gaarsiiyay ay ka dhaceen duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose.

Calamada.com