Dil Qorsheysan Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxey sheegayaan in dhanka Waqooyi ee magaaladaasi uu ka dhacay dil qorsheysan.

Dilka waxa uu sigaar ah kaga dhacay dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo kaasi oo loo geystay oday si aad ah ula shaqeynayay maamulka gaala raaca Puntland.

Odaygan la dilay oo ka mid ahaa odayaashii u ololeynayay dhisidda iyo soo xulista xildhibaanada Ridada ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Jaamac Diirshe.

Sidoo kale odaygan waxa uu ka qeyb qaatay olalaha duulaano kala duwan oo ay qaadeen maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka Puntland sida dagaalkii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka maamulkaasi ku dhexmaray buuraha Suuj.

Calamada.com

Comments are closed.