Dhageyso Roobab Lagu Diirsaday Oo Ka Da’ay Konfurta Iyo Bartamaha Somaliya.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa qeybo ka mid ah Konfurta iyo bartamaha dalka Soomaliya ka da’ay Roobab si aad ah dadka iyo duunyada ugu diirsadeen.

Gobalada Roobabkan ay ka da’een waxaa ka mid ah gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya waxa uu roobka si gaar ah kaga da’ay degmada Jalalaqsi iyo deegaanada hoostaga.

Sidoo kale Roobabka waxey ka da’een degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Baay sida degmada Baydhabo iyo qaar ka mid ah deegaanada hoostaga.

Sidoo kale Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay Wilaayada Banaadir oo muddooyinkii dambe laga dareemayo kuleyl adag oo roob la’aanta ah.

Sidoo kale gobalada Sh/hoose,Galgaduud iyo Mudug ayaa ka mid ah gobalada saacadihii lasoo dhaafay uu ka da’ay roobabka xilliga Gu’ga.

Halkan Ka Dhageyso Roobabka Ka Da’ay Gobalka Hiiraan.

Halkan Ka Dhageyso Roobabka Ka Da’ay Gobalka Baay.

Calamada.com

Comments are closed.