Ciidamada Itoobiya Oo Markale Lagu Weeraray Gobalka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya waxey sheegayaan in markale maanta weerar dhabba gal ah lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya kuwaasi oo inka badan Shan Maalmood oo xiriir ah ku socdaalaya wadada isku xirta degmooyinka Beledweyne iyo Halgan oo ka wada tirsan gobalka Hiiraan.

Weeraradan dhabba galka oo gaaraya ilaa Saddex kamiin waxey ka wada dhaceen wadada isku xirta deegaanada Nuur-fanax iyo Garasyaani oo ah deegaano dhaca wadada isku xirta Beledweyne iyo Halgan.

Saddexda kamiin markii ay soo gaba gaboobeen waxaa goobta soo caga dhigatay diyaarad Elecobtar ah oo hadafkeedu ahaa iney goobta ka qaado meydadka iyo dhaawacyada askarta Itoobiya balse waxey durba weerar kala kulantay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Diyaaradan ayaa la xaqiijiyay iney si dirqi ah kaga badbaaday weerarka Mujaahidiinta goobtana si deg deg ah ay kaga duushay iyadoo aanan qaadin meydadka iyo dhaawacyada askarta Itoobiyaanka oo ah hadafkii ay markii hore goobta u timid.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale xusay in goobahii maanta kamiinada ay ka dhaceen lagu arkay dhiig iyo Ooliyo fara badan taasi oo muujineysa in ciidamada Itoobiya tiro askar ah baqti iyo dhaawac ay kaga noqdeen Kamiinadaasi.

Calamada.com