Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobalka Shabeelada Hoose.

Wararka laga helayo gobalka Shabeelada hoose ee Konfurta dalka Soomaaliya waxey sheegayaan in qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta iyo kuwa Kufaarta AMISOM.

Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta deegaanka Warmaxan iyo degmada Wallanweyn ee gobalkaasi’iyadoona faahfaahino laga helayo qaraxaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ayaa qeybta dambe ka haleeshay gaari Cabdi Bile ah oo ay Maleeshiyaatka Murtadiinta la socdeen waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay maleeshiyaatka dowlada.

Dhinaca kale weerar dhabagal ah ayaa ciidamada shisheeyaha Afrikaanta ah ku qabsaday deegaanka Ceel-wareegoow ee duleedka magaalada Marka.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ay gantaallada garbaha laga gemo la heleen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kufaarta kadibna waxaa xigay iska hor’imaad xooggan oo labada dhinac dhax maray.

Si rasmi ah ilaa iyo imika looma xaqiijin khasaaraha shisheeyaha lagu gaarsiiyay weerarkan dhabba galka ah ee ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose.

Calamada.com

Comments are closed.