Sawiro Magaalada Ceelbuur Iyo Adeegyadii Bulshada Oo Toos Usoo Laabtay.

Sawiro cusub oo laga soo qaaday magaaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud oo bil ka hor ay isaga carareen ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ayaa muujinaya in ay soo laabteen adeegyadii bulshada ee magaaladaasi.

Boqolaal qoys ayaa si toos ah ugu soo laabtay guryahooda kuwaasi oo mudadii saddex-da sano aheed ee Xabashidu duulaanka ku joogtay Ceelbuur ku noolaay deegaanada dhaca duleedka degmadaasi.

Masjidka weyn Al-raxmah oo ku yaala bartamaha magaalada ayaa si toos ah loogu dukadaa salaadaha’sidoo kale waxaa dib loo furay suuqa magaalada’iyadoona magaalada ay yimaadaan gaadiidka ganacsiga ee Badeecadaha ka kala keena magaalooyin ay ka midyihiin Muqdisho iyo Boosaaso oo magaaladaasi ay caan ku aheed.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Cusub Ee Magaalada Ceelbuur.

Calamada.com

Comments are closed.