Daawo Sawirro: Sidee Ayuu U dhacay Weerarkii Fashilmay Ee Ciidanka Mareykanka Ku Qaadeen Deegaanka Daarusalaam.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal fashilmay oo habeenkii Jimcaha 5,May.2017 ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee gobolka Sh/Hoose.

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa si adag uga hortagay duullaan ay ciidamada gaarka Mareykan ah ay ku qaadeen deegaanka waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidanka Mareykanka kasoo gaaray goobta dagaalka.

Sawirro lagasoo qaaday goobtii lagu hardamay ayaa muujinayay saameynta dagaalka iyo raadad banaanka soo dhigaya khasaaraha gaaray ciidamada Mareykanka.

Qeyb kamid ah Jirka askar American ah ayaa lagu arkay barxadda weyn ee deegaanka Daarusalaam oo uu ka dhacay mid kamida dagaalladii ugu cuslaa ee ciidanka Mareykanka ay ka galaan dalka Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay sagaashameeyadii xilligaasi oo 18 askari looga dilay magaalada Muqdisho.

 Ciidamada Mareykanka ayaa deegaanka Daarusalaam uga cararay qalab melleteri iyo agabyo kale oo dhammaantood ugacan galada ciidamada sida gaarka ah utababaran ee Shabaabul Mujaahidiin.

Aaladda GBS-ka loo yaqaan,qalab caafimaad iyo darees melleteri ayay ciidanka Mareykanka uga tageen goobta.

Waxaa been aan sal iyo raad laheyn ah warar ay faafiyeen qaar katirsan warbaahinta oo sheegayay in weerarka lagu qaaday xarun ay idaacadda Islaamiga Andalus ay ku leedahay deegaanka Daarusalaam.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay Meydad iyo dhaawacyo ku daabusheen laba diyaaradood oo si dhaqsi ah uga kacay gudaha deegaanka xilligaas oo dagaallo culus ay socdeen.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka iyo Taliska AFRICOM ayaa qiray in 1 askari looga dilay dagaalkii Daarusalaam islamarkaana 3 kale looga dhaawacay balse Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay sheegaysaa in khasaaraha Mareykanka gaaray uu intaas ka badanyahay.

HOOS ka Daawo Sawirrada goobtii lagu dagaallamay ee deegaanka Daarusalaam


Barxadda Daarusalaam oo ay kusoo degeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka waana isla goobta dagaalka ugu culus ka dhacay




Daanka Hoose Askari Mareykan ah oo Sh/Hoose lagu dilay












Comments are closed.