Daawo Ururka Xamaas Oo Xaqiijiyay Iney Qabteen Jaajuus Sarkaal Sare Ka Dilay.

Ururka Xamaas ee ka dagaalama dhulka Muslimiinta reer Falistiin ayaa shaaca ka qaaday iney qabteen jaajuus Falistiini ah oo ka dambeeyay dilka sarkaal sare oo ka tirsanaay ururka Xamaas oo Labo bil ka hor lagu dilay gudaha magaalada Gaza.

Ismaaciil Haniya oo ah madaxa maktabka Siyaasadda ururka Xamaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaza ayaa ku dhawaaqay in amniyaatka ururka Xamaas ay ku guuleysteen iney gacanta ku dhigaan ninkii dilay Maazin Fuqaha oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee ururka Xamaas.

Jaajuuska la qabtay oo u shaqeynayay sirdoonka Yahuuda ayaa lagu magacaabaa Ashraf Abuu Leylah oo ah ninkii ka dambeeyay dilka Maazin Fuqaha.

Maazin Fuqaha ayaa ahaa qaa’di si weyn looga yaqaanay dhulka Falistiin waxa uu sidoo kale qaa’idkan mas’uul ka ahaa labo howlgal oo sanadii 2002-dii ka dhacay deegaano dhaca Konfurta magaalada Al-qudus kuwaasi oo lagu kala dilay ku dhawaad Soddon ruux oo Yahuud ah.

Halkaan Hoose Ka Daawo Shirka Ururka Xamaas.

Calamada.com

Comments are closed.