Sawirro: Dad Ku Dhintay Roobab Daadad Wata Oo Ka Da’ay Gobollada Bari Iyo Nugaal.

Gobollada Bari iyo Nugaal waxaa looga dhawaaqay in ay dhammaantay abaartii saameysay dadka iyo duunyada kadib markii si aan horay loo arag ay ucurteen Roobabka Guga.

24-kii saacadood ee lasoo dhaafay Roobab si xiriir ah uga da’ayay degmooyin iyo deegaano katirsan gobollada Nugaal iyo Bari ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Waxaa kala xiran inta badan magaalooyinka iyo tuulooyinka gobollada Sanaag,Sool Bari iyo Nugaal kadib markii Biyaha xareedda ay waddooyinka jareen.

Roobabka ayaa ah kuwa daadad wata, meelaha qaar waxaa lasoo sheegayaa in dhimasho ay sababeen Roobabka kadib markii Toogaga iyo waadiyadu ay carruur qaadeen.

Deegaanka Raydable oo qiyaastii 70 KM u jira degmada Buurtinle  ee gobolka Bari waxaa ku dhintay sadex wiil oo ay latageen daadadka Roobka sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, carruurta oo xilligaas xoolo ilaalinayay waxaa qaaday biyo si xowlli ah ku socday kuwaasi oo ku shubmayay mid kamida waadiyada deegaanka.
Dhinaca kale laba carruur ah ayaa ku dhintay duleedka magaalada Qardho ee gobolka Nugaal ka gadaal markii waadi biya mareen ah uu qaaday, sidoo kale gaadiid boqolaal ah oo kasoo amba baxay magaalada Boosaaso ayuu ka xayiran agagaarka togga durdur.

Dhanka Magaalada Garoowe Roobab daadad wata ayaa ka da’ay gudaha magaalada iyo hareeraheeda, degmada Dhahar iyana waxaa lagasoo sheegayaa in tobaneeyo tuulo oo degmadaasi hoos yimaad ay go’doon noqdeen kadib markii waddooyinka ay jareen biyaha roobka.






Comments are closed.