Ciidamada Itoobiya Oo Lagu Weeraray Gobalka Hiiraan.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar culus ku qaaday difaacyada ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan.

Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu ahaa midkii ugu cuslaay ee ka dhaca deegaanka tan iyo markii todobaadyo ka hor Xabashida Itoobiya ay duulaan ku qabsatay deegaankaasi.

Si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha Xabashida Itoobiya kasoo gaartay dagaalkaasi,iyadoona maalin ka hor ay aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha deegaanka Halgan ay ku dileen askari Murtad ah oo dal yaqaan u ahaa Xabashida Itoobiya kaasi oo sidoo kale ay ka qaateen Qori iyo Boosh uu ku hubeysnaay.

Calamada.com

Comments are closed.