Weeraro Saf Ballaaran Ah Oo Ka Dhacay Bariga Afghanistan.

Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in saaka aroortii ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islamiga Afghanistan weeraro saf ballaran ah ay ku qaadeen guud ahaan degmooyinka Gobalka Kownar oo ah gobal dhaca dhanka Bari ee dalka Afghanistan.

Degmooyinka sida gaarka ah weerarada ugu culus ka dhaceen ayaa kala ah magaalada xarunta u ah gobalka ee Ascad Abaa’sidoo kale waxey weeraradan culus ka kala dhaceen degmooyinka Naarii,Daanigam,Watah-buur,Sarkanu,Manowji,Jabat-darha iyo Manuurah oo gabi ahaantooda ah degmooyin ka tirsan gobalka Kownar.

Webseydka Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa baahiyay in weeraradan saf mareenka ah oo qeyb ka ah Xamlo dagaaleedka xiliga Guga ee Almansuuriyah lagu dilay Labo iyo Labaatan ka tirsan saraakiisha iyo maleeshiyaatka Maamulka daba dhilifka fadhigiisu yahay magaalada Kaabul.

Gobalka Kownar waa gobal dhaca dhanka Bari ee dalka Afghanistan gaar ahaan xad beenaadka ay wadaagaan dalalka Pakistan iyo Afghanistan.

Calamada.com

Comments are closed.