Askari Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha.

Rag ku hubeysan Biskoolada waxey qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku toogteen askari ka tirsnaay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.

Ragga hubeysan ayaa askariga ka toogtay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in isla goobta ku geeriyooda’iyadoona la xaqiijiyay in raggii dilka geystay goobta si nabad ah kaga dhaqaaqeen.

Askarigan lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha ayaa ka mid ahaa  maleeshiyaatka lacagta Canshuuraha ka aruurisa suuqa Bakaaraha’waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamadeey.

Dilkan ayaa imaanaya xilli maanta ciidamada Shabaabul Mujaahidiin qarax ay ka fuliyeen gudaha degmada Wadajir lagu dilay Shan sarkaal miino baarayaal caddaan iyo madow ah’iyadoona dhaawaca uu intaasi ka badanyahay.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.