Maxkamada WI Baay Iyo Bakool Oo Xad Gacan Goyn Ah Fulisay.

Fagaara weyn oo ku yaala  degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool waxaa ka dhacay Xukun Gacan goyn ah oo lagu fuliyay rag xatooya ku dhaqaaqay.

Fagaaraha waxaa soo xaadiray bulshada ku dhaqan degmada iyo deegaanada hoosyimaada Tiyeeglow kuwaasi oo usoo daawasho tagay fulinta xadkaasi.

Xadkan gacan goyenta ah waxaa lagu fuliyay labo nin oo lagu kala magacaabo 1-Aadan Muxamed Nuur oo 42 Sano jir ah 2-Isxaaq Aadan Xasan oo 23 jir ah kuwaasi oo jabsaday dukaan ku yaala Tiyeeglow kana baxsaday lacag dhan Labo iyo Toban Milinyan oo Shilin Somali ah.

Qaadiga maxkamada ayaa goobta fagaaraha kaga dhawaaqay xukunka xadka gacan goynta ah ee lagu fuliyay labadaasi nin.

Calamada.com