Dhageyso Dagaal Khasaaro Lagu Gaarsiiyay Ciidamada Itoobiya…

Cidiamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa habeenkii xalay dagaal culus ku qaaday difaacyada ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen mid ka mid ah deegaanada dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Dagaalkan waxey ciidamada Mujaahidiinta si gaar ah ula beegasadeen difaacyada Xabashida Itoobiya ay ka sameysatay deegaanka Halgan oo ka tirsan gobalka Hiiraan.

Deegaankan waxaa habeenkii xalay ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Hiiraan.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus oo soo xiganeysa saraakiishii hogaaminayay  ciidamada Mujaahidiinta ee weerarkaasi fuliyay ayaa baahisay in dagaalka ka dhacay deegaanka Halgan baqti iyo dhaawac ay ku noqdeen tiro askar Itoobiyaan ah.

Dagaalka markii uu soo gaba gaboobay ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya waxey bilaabeen iney madaafiic ku garaacaan howdka ku aadan deegaanka Halgan taasi oo muujineysa iney jirto khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo Xabashida Itoobiya lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Dagaalka Halgan

Calamada.com