Xaalad Dagaal Oo Ka Taagan Degmada Laascaanood.

Wararka ka imaanaya degmada Laascaanood ee gobalka Sool waxey sheegayaan in saaka xaalad dagaal ay ka taagantay degmadaasi.

Xaaladan dagaal waxey u dhaxeysaa maleeshiyaatka maamulka gaala raaca isku magacaaban Somaliland iyo dhalinyaro careysan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Xiisadan colaadeed ee ka taagan degmada Laascaanood ayaa timid kadib markii saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmadaasi iska hor’imaad xoogan uu ku dhexmaray maleeshiyaatka maamul gobaladeed Axmed Siilaanyo iyo dhalinyaro hubeysan.

Iska hor’imaadkan ayaa yimid kadib markii dhalinyaradan hubeysan ay si aad ah uga caroodeen tiro odayaal ah oo xabsiga degmada Laascaanood ay dhigeen maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay  ee iska hor’imaadkaasi ayaa sheegaya inuu sababay dhimashada iyo dhaawaca ku dhawaad Toban ruux oo isugu jirta dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.

Calamada.com