Mareykanka Oo Maraakiib dagaal u diray Liibiya Iyo Dibad baxyada oo sii kordhay

Filed under: News |

Iyadoo habeenkii taladaada weerar lagu qaaday Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahaya dalka Liibiya ayaa madax ka tirsan dalkaasi Mareykanka oo hadlay waxa ay sheegeen in weeraradaasi ay yihiin kuwo argagixiso loona baahanyahay in gacacnta lagu soo dhigo raggaa ka dambeeyay falkaasi.

Obama oo ah Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlay aqalka Cad ee Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in si weyn loo ilaaliyo dublamaasiyiintooda ee ku nool wadamada Carabta

War maanta soo baxay ayaa sheegaya in Mareykanka uu dalka Liibiya u doray 2 ka mid ah maraakiibtiisa dagaalka ee ay saaranyihiin ciidanka loo yaqaano Marines-ka kuwaasi oo la sheegay inay ka howl gali doonaan xeebaha Liibiya si Ay gacan uga geystaan soo qabashada raggii weerarka fuliyay.

dhanka kale dalka Yaman waxaa maanta ka dhacay dibad bax kale oo lagu bur buriyay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada sanca ee Caasimadda dalkaasi

dibad baxii manta ee yaman waxaa sidoo kale lagu gubay qaar ka mid ah gaadiidkii ay isticmaalayeen safiirka Iyo shaqaalaha ee Mareykanka u fadhiyay Magaalada Sanca.

lama Oga wax qasaare nafeed ah oo Ilaa iminka ka dhashay weerarkii maanta ee safaaradda mareykanka uu yaman ku leyahay.