Qarax Lala Beegsaday Ciidamada Burundi.

Wararka laga helayo gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Burundi kuwaasi oo ku socdaalayay inta u dhaxeya degmada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha degmadaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa haleeshay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada Burundi.

Dhawaaqa qaraxa ayaa si aad ah looga maqlay xaafadaha degmada Jowhar iyo qaar ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmadaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in miinada ay burburisay gaariga waxaa sidoo kale qaraxa ku dhintay hal askari Burundeys ah tiro kalane weey ku dhaawacmeen.

Calamada.com

Comments are closed.