Askarta Dowlada Oo Dad Barakacayaal Ah Rasaaseeyay.

Askar ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa si bareer ah rasaas ooda uga qaaday dad shacab barakacayaal ah kuwaasi oo ku nool duleedka magaalada Muqdisho.

Askarigan Murtadka ah ayaa dadka shacabka ku rasaaseeyay deegaanka Kaxda ee duleedka Magaalada Muqdisho’iyadoona rasaasta ay sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay rasaastaasi waxaa ku dhintay Afar ruux oo ka mid ah barakacayaasha degan deegaanka Kaxda’iyadoona warar hoose ay sheegayaan iney jiraan dad ku dhaawacmay.

Askariga dadkan shacabka rasaaseeyay ayaa doonayay iney xoog ku qaato raashiin dadkaasi loogu qeybinayay qeybo ka mid ah deegaankaasi.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.