Askar American Ah Oo Lagu Dilay Gobalka Nangahaar.

Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qarax culus uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Nangahaar ee Bariga dalka Afghanistan.

Qaraxa waxaa lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Nasaarada Mareykanka kuwaasi oo ku socdaalayay duleedka degmada Bahsuud ee gobalkaasi.

Miinada ayaa haleeshay gaari Taangi ah oo ay wateen ciidamada Mareykanka’iyadoona qaraxa uu sababay khasaara kala duwan oo soo gaartay askarta Nasaarada Mareykanka.

Webseydka Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan http://alemara1.net ayaa qoray in qaraxaasi lagu burburiyay gaariga Taangiga’waxaa sidoo kale qaraxaasi ku baqtiyay Saddex askari Labo kalane weey ku dhaawacmeen oo gabi ahaantooda ah askar American ah.

Dhanka kale ciidamada difaaca Cirka ee Imaarada Islaamiga Afghanistan waxey dhulka soo dhigeen diyaarad nooca basaaska ah oo ay leedahay dowlada Nasaarada Mareykanka taasi oo ciidamada Mujaahidiinta ay kusoo rideen Mandiqadda Saxaraha ee gobalka Lowjar oo ah gobal dhaca bartamaha dalka Afghanistan.

Calamada.com

Comments are closed.