Dhageyso Dagaal Markale Ka Dhacay Halgan.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen difaacyada ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay ka sameysteen deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan.

Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Hiiraan.

Warar hoose ayaa sheegaya iney jirto khasaara baqti iyo dhaawac ah oo ciidamada Xabashida Itoobiya lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.

Dagaalkan waxa uu imaanayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax ka dhacay duleedka degmada Jowhar gaari looga burburiyay Kufaarta Afrikaanta waxaa sidoo kale qaraxaasi baqti iyo dhaawac ku noqday askar American ah.

Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Dagaalka Halgan.

Calamada.com

Comments are closed.