Dhageyso Askarta Dowlada Oo Lagu Weeraray Sh/hoose.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen isbaarooyin iyo fariisimo maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada hoose.

Weeraradan safka ballaaran ah waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen deegaanada Numbar-50,Aala yaasir iyo Gandaawi oo ah deegaano fariisimo iyo isbaarooyin ay ku leeyihiin maleeshiyaatka Murtadiinta.

Dadka deegaanadaasi ayaa xaqiijiyay iney jiraan khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo maleeshiyaatka dowlada lagu gaarsiiyay dagaaladan ka kala dhacay deegaandaasi ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Dagaaladan ayaa imaanaya xilli qarax iyo dagaal khasaara lagu gaarsiiyay ciidamada Kufaarta Itoobiya iyo kuwa Burundi ay ka kala dhaceen deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan iyo duleedka degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.

Halkan Ka Dhageyso Xogta Dagaalada.

Calamada.com

Comments are closed.