Faahfaahin Qaraxyo Iyo Kamiin Lagu Dilay Ku Dhawaad 10 Askari Kenyaati Ah Oo Lamu Ka Dhacay.

Wararka ka imaanaya Jaziirada Lamu ee gumeysiga ay ku heysata dowlada  Nasaarada Kenya ayaa sheegaya in weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada gaalada Kenya kuwaasi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah Jaiiradaasi.

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abu Muscab oo la hadlay Idaacada Andalus ayaa sheegay in ciidamadooda ka howlgala gudaha Kenya ay khaarejiyeen ugu yaraan 7 katirsan ciidamada Kenya kadib kamiin ay u dhigeen.

Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab ayaa intaasi ku daray iney gubeen gaarigii ay wateen ciidamada Nasaarada Kenya ee kamiinka loo dhigay kaasi oo qarax uu haleelay.

Dhanka kale qarax culus ayaa ka dhacay deegaanka Kiyungo oo ka tirsan Jaziirada Lamu kaasi oo la xaqiijiyay in gabi ahaan lagu burburiyay gaari BG-ah oo Nasaarada Kenya ay la socdeen.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka dagaalama gudaha dalka Kenya ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah Nasaarada Kenya.

Calamada.com