Sarkaal Sare Oo Magaalada Muqdisho Lagu Dilay.

Rag hubeysan ayaa qeybo ka mid ah xaafada Saliga American-ka ee degmada Wadajir ku dilay sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ridada federaalka.

Sarkaalkan lagu dilay gudaha degmada Wadajir ayaa lagu magacaabi jiray Gaanshaanlle Sare Cabdu Llaahi Cilmi Nuur  waxa uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Caafimaatka Milatariga dowlada federaalka.

Ragga dilka geystay ayaa la xaqiijiyay iney goobta si nabad ah kaga dhaqaaqeen iyagoo wax iska caabin ah kala kulmin dhanka maleeshiyaatka dowlada Ridada.

Saacadihii lasoo dhaafay ayeey aheed markii sidoo kale degmada Wadajir lagu dilay mid ka mid ah ergadii soo xushay xildhibaanada dowlada Farmaajo.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.