Daawo Sawirro: Magaalada Jilib Ee Wilaayada Jubbooyinka Oo Si Heer Sare Ah Looga Ciiday.

Gobollada Jubbooyinka waxay kamid yihiin meelaha sida weyn looga dabaal degay maalinta Koowaad ee Munaasabadda Ciidul Fidiga Barakaysan.

Fagaaraha weyn ee magaalada Jilib ayaa lagu tukaday salaadda ciidda waxaana dadka shacabka ah la ciiday mas’uuliyiin katirsan wilaayada Islaamiga Jubbooyinka oo uu kamid yahay Sheekh Max’med Abuu Cabdalla.

Markii  salaadda ciidda la tukaday kadib waxaa magaalada Jilib ka dhacay dholla tus ballaaran oo ay sameeyeen ciidamo katirsan Xarakada SHM.

Sidoo kale magaalooyinka waaweyn ee Jubbooyinka sida Bu’aale,Jamaame iyo Saakoow ayaa si heer sare ah looga oogay dabaal degyada munaasabadda Ciidul Fidriga.

                    Hoos Ka Daawo Sawirrada Ciidda Magaalada Jilib

Comments are closed.