Daawo Sawirada Sida Looga Ciiday Magaalada Saakow.

Magaalada saakoow ee gobalka jubada dhexe ayaa maanta si weyn looga ciiday waxaana bulsahdu salaadda ciidda ku tukadeen fagaare weyn oo aad loo hagaajiyay.

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa qeyb ka ahaa dadka goobta ku tukaday waxaana qeybaha kala duwan ee bulshada laga dareemayay farxad badan.

Sheekh xasan yacquub cali waaliga galgaduud oo saakow maalmahaan ku sugnaa ayaa ka hadlay muhiimadda maanta oo kale u leedhaay dadka muslimiinta ah.

Dadka ayaa si qurux badan u soo lebistaytay waxaanay ahaayeen kuwo ciidda isugu hambalyeynaya qof walibana qofka kale waxa uu u muujinayay niyad wanaagsan.

Waxaa la arkayay caruurta oo jidadka ku isku ceyrsanaya iyagoo adeegsanaya bastoolada cinjirka ah ee baaruuddu ka dhacdo.

Ciidamo ka tirsan xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa dhoola tus ku soo bandhigay gudaha magaalada kuwaa oo watay hub kala duwan.

Maanta oo ku beegan 1 shawaal 1438 ee taariikhda hijriga waxaa si weyn looga ciiday meelo badan oo soomaaliya ka mid ah iyadoo isdoo kale ay ciideen muslimiinta kale ee caalamka daafihiisa ku nool.

Comments are closed.