Dhageyso Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Baardheere.

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo waxey sheegayaan in weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo isugu jirta askarta Kenya iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada oo ku socdaalayay duleedka degmadaasi.

Kamiinka oo markii dambe isku badalay dagaal culus ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona dagaalka uu sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa lagu dilay Shan askari oo ka tirsan Nasaarada Kenya sidoo kale waxaa lagu dilay shan askari oo ah maleeshiyaatka dowlada federaalka.

Sidoo kale weerarkan dhabba galka ah ee isku badalay dagaalka culus ayaa lagu gubay labo gaari oo ah noocyada dagaalka ee ciidamada Kenya.

Maalin ka hor ayeey aheed markii weerar ka dhacay qeybo ka mid ah Jaziirada Lamu lagu gubay gaari nooca ciidanka Xambaara laguna dilay Afar iyo Toban askari oo Kenyaati ah.

Halkan Ka Dhageyso Sida Wax  Uga Dhaceen Duleedka Baardheere.

Calamada.com

Comments are closed.