Sarkaal Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ridada federaalka.

Sarkaalkan oo ka tirsanaay Tababarayaasha maleeshiyaatka Milatariga dowlada federaalka ayeey ragga hubeysan ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta ku geeriyooda.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Sheekh Mucalim,waxaa mas,uuliyadda dilkiisa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Dhanka kale tiro ka tirsan maleeshiyaatka dowlada gaar ahaan kuwa Alpha Group ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax miino oo lagula beegsaday deegaanka KM13 oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho,iyadoona waxyeelo xoogan la gaarsiiyay gaari Cabdi bile ah oo maleeshiyaatkan ay la socdeen.

Calamada.com

Comments are closed.