Mareykanka Oo liiska Argigixisada Ku Dartay Hogaamiyaha Kooxda Xizbul-Mujaahidiin Ee Gobolka Kashmiir.

Dowlada saliibiyadda ah ee Mareykanka ayaa liiska argigixisada ku dartay Sayid Salaaxudiin oo ah hogaamiyaha kooxda Xizbul-Mujaahidiinta ee u dagaalanta xureynta gobolka Kashmiir eek u hoosjira gumeysiga dowlada Hindiya, Iyadoona sheegtay in hogaamiyahaas uu ka dambeeyey weeraro ay ku tilmaameen kuwo argigixsanimo ah oo ka dhacay gobolkaasi.

Sayid Salaaxudiin oo sidoo kale loo yaqaano Maxamed Yuusuf Shaah ayaa ah hogaamiyaha Jabhadda dagaalanta Kashmiir ee u ololeysa xureynta gobolka Kashmiir, Waxaana uu xiriir aad u dhow la leeyahay Imaarada Islaamiga Afghanistan iyo qaar ka mid ah jamaacaadka ka dagaalama gudaha wadanka Pakistan.

Dowlada Mareykanka ayaa sababta ay wadaadkan ugu dartay liiska argigixisada ku sheegtay in uu dhawaan ku goodiyey in uusan marnaba gorgortan ka gali doonin in la dabargooyo halganka reer Kashmiir ay ugu jiraan xureynta gobolkooda, uuna diyaarin doono dhalinyaro Istish-haadiyiin horleh oo waadiga kashmiir ka dhigi doono xawaalaha ciidamada Hindiya.

Waxay sidoo kale sheegeen in kooxdan ay sheegatay mas’uuliyadda silsilado qaraxyo ah oo ka dhacay Jamu iyo Kashmiir oo lala eegtay ciidamada Hindiya.

Comments are closed.