Dhageyso Odayaasha Sh/dhexe Oo Ka Hadlay Dagaalo Ka Dhacay Gobalkaasi.

Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay deegaan dhaca duleedka degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe ay ka dhaceen dagaallo dhex maray ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo Ciidamo isugu jira gaalada Caddaanka iyo kuwa Madowga waxaa arintaasi ka hadlay odayaasha dhaqanka gobalka Shabeelada dhexe.

Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Islaamiga ee gobalka Shabeelada dhexe oo ay wareysatay Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa xusay in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamo isugu jira American,AMISOM iyo kuwa dowlada Ridada federaalka ay weerar ku soo qaadeen deegaaan dhaca duleedka degamda Mahadaay.

Nabadoonka ayaa xusay in dagaaladaasi khasaara culus lagu gaarsiiyay Shsiheeyihii weerarka soo qaaday,isagoona ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobalka iney taageeraan oo ay garab istaagaan Shabaabul Mujaahidiin.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga.

Calamada.com

Comments are closed.