Gaari Taw Ah Oo Lagu Gubay Magaalada Muqdisho.

Qarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa Xarunta SIMAD iyo xeradii hore Jarmalka ee magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in qaraxa gabi ahaan lagu burburiyay gaari Taw ah oo ka mid ahaa gaadiidka ay wateen shisheeyaha la qarxiyay.

Sidoo kale tiro askar ah oo ka tirsan Kufaarta AMISOM ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa,iyadoona askarta shisheeyaha muddo saacada ah ay xireen inta badan wadada Warshadaha.

Maalintii shalay ayeey aheed markii qarax lagu gubay gaari Cabdi bile ah dhimasho iyo dhaawacna ay ku noqdeen ku dhawaad Toban askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Alpha group uu ka dhacay agagaarka deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Calamada.com

Comments are closed.