Malaayiin Muslimiin ah oo ka careysan filim lagu aflagaadeeyey Nabi Muxamed Salalahu Caleyhi Wasalam ayaa maanta oo jimco ah ka dhacay dalal badan oo ka mid ah wadamada caalamka islaamka kuwaas oo muslimiintu ay ku beegsanayaan danaha mareykanka iyo reer galbeedka waxaana warbaahinta caalamiga ah maanta ay si weyn u hadal heysaa iska horimaadyo balaaran oo ka dhacay Qaar badan oo ka mid ah dalalkaasi.
Kumanaan muslimiin ah oo aad u careysan ayaa salaaddii duhur kadib si isku mid ah u weeraray safaaradaha Jarmalka iyo Ingiriiska ee magalada Khartuum kuwaas oo xoog ku galay dhismooyinka safaaradaha isla markaana dab xoogan qabadsiiyey, Mudaaharaadayaal fara badan ayaa gudaha u galay dhismaha Safaarada Jarmalka kuwaas oo dhulka soo dhigay calanka daaquudka ah ee dowlada Jarmalka ka dibna saqafka kore ee dhismaha ka taagay Calanka Towxiidka.
Wariye ka tirsan Aljazeera oo ku Sugan Khartuum ayaa sheegay in gaadiid aad u fara badan oo Basaska dadweynaha ah ay goobta ku soo daadgureeyeen dad aad u fara badan, kuwaas oo marba marka ka dambeysa xoojinaya dadka mudaaharaadayaasha ah, Dadka ayaa hadda intooda badan isugu soo baxay afaafka hore ee safaarada mareykanka halkaas oo laga cabsi qabo in iyadana weerar lagu qaado.
Safaaradda ingiriiska ee Khartuum ayaa sidoo kale weerar xoogan lagu qaaday taas oo weli iska horimaadyo xoogan ay ka socdaan, dalalka Lubnaan, Yemen,Maleysia, Ciraaq iyo Indonisiya ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee mudaaharaadyadu ay ka socdaan.
Wadanka Lubnaan dhalinyaro careysan ayaa dabqabadsiisay Maqaayad Yahuudu leedahay oo ku taalla magaalada Tiriboli halkaasi oo hal ruux uu ku dhintay darsino kalena ay dhaawacyo ku noqdeen.
Magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar oo maalintii afaraad uu ka socda Mudaaharaadka noocan ah ayaa saaka ku waabariistay mowjado kacdoono ah iyo banaanbax balaaran oo ay dhigayaan dadka muslimiinta kuwaas oo aroornimadii hore ee saaka weerar ku qaaday safaarada Mareykanka ee Qaahira halkaas oo weli uu ka socdo iska horimaadkii saaka ka dhex qarxay Booliska iyo dadka Mudaaharadayaasha ah.
Burbur xoogan ayaa soo gaaray dhismaha Safaaradda halkaasi oo maalin ka hor dadka mudaaharaadayaashu ay ka taageen calanka towxiidka kadib markii ay halkaasi ka tuureen calankii Daaquudka ahaa ee America, boqolaal dad ah ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadyada kuwaas oo intooda badan goobaha caafimaadka la dhigay.
Liibiya oo talaadadii la soo dhaafay lagu dilay safiirkii Mareykanka u fadhiyey wadankaasi iyo siddex ka mid ah shaqaalaha Safaaradda ayaa iyaduna lagu waramayaa in maanta ay ka dhaceen mudaaharaadyo waaweyn kuwaas oo dadku ay ku muujinayaan jaceylka ay u qabaan Nabigooda Muxamed Salalahu Caleyhi Wasalam iyo Diinta Islaamka.
Wadamo badan oo ay ku jiraan Pakistan,Sacuudi Carabiya iyo kuwait ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ka dhaceen mudaaharaadyada waxaana dhamaan dadkaasi ay ka mideysnaayeen Astaamaha ay muujinayaan iyo hadafka ay u socdaan.
kumanaan dad ah oo isugu soo baxay albaabka hore ee safaaradda Mareykanka ee magalada Kuwait ayaa ku dhawaaqayey Obaamoow Dhamaanteen Usaama Binladen ayaan nahay iyo erayo la mid ah waxaana ay ruxayeen calanka towxiidka, waxaa la mid ah Liibiya, Masar iyo Wadanka Suudaan.
Waa isu soo baxyadii ugu balaarnaa abid ee gilgilay caalamka kuwaas oo dadka muslimiintu ay ku difaacayaan Nabi Muxamed Salalahu Caleyhi Wasalam waxaana ay ku soo aadayaan xilli Muslimiintu ay dib u garteen cadowgooda iyo walaalkooda.
Kacdoonadan oo Sanadkan Loogu Magacdaray Gu’gii Islaamka Wixii ku soo kordha kala soco Calamada Online Insha Allah.
ASAC WAN KU FARXSANAHAY
INAY UMADA ISLAMKA AY SOO BANDHIGAN
SHUCURTOODA KU ADAN AFLAGADADA NABI MUXAMED(NNK)
TANINA WAXA HORDHAC UTAHAY AWOODA UMAD ISLAMKA AY U LEEYIHIIN
INAY KAHORTAGAN GALADA IYO MAKRIGOODA
AYMAN RAYE
September 15, 2012 at 10:03 am