Sawiro Mujaahidiinta Alqaacidah Oo Weerar Ka Fuliyay Dalka Nigeria.

Wararka ka imaanaya dalka Nigeria oo ah dal dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa sheegaya in qeybo ka mid ah dalkaasi ka dhacay weerar khasaara dhaliyay.

Weerarka waxaa lala beegsaday saldhig ama fariisin ciidamada dowlada daba dhilifka dalka Nigeria ay ka sameysteen deegaan lagu magacaabo Madaal oo ah deegaan dhaca xadka dalka Nigeria la wadaago dalka Maali.

Weerarkan ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca tiro askar ah waxaa sidoo kale gabi ahaan dab la qabadsiiyay oo la burburiyay saldhigii lagu weeraray ciidamada Nigeria.

Mas,uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay Mujaahidiinta Jamaacada U Gargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta oo ah Jamaaco taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Magribul Islam.

Bayaan kasoo baxay Jamaacada ayaa lagu xaqiijiyay in weerarka ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta Jamaacada U Nusreynta Islaamka iyo Muslimiinta kuwaasi oo ugu dambeyntii la wareegay gacan ku heynta saldhiga.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu xusay in weerarka lagu dilay dhowr askari oo ka tirsan dowlada Nigeria,waxeyna ciidamada Mujaahidiinta gacanta ku dhigeen afar gaari oo noocyada dagaalka iyo hub kala duwan kuwaasi oo ciidamada Nigeria ay goobta kaga carareen.

Mu,asasada Azallaaqah ee garabka warbaahineed ee Jamaacada U Nusreynta Islaamka iyo Muslimiinta ayaa baahisay sawirada gaadiidka dagaal iyo hubka ciidamada Mujaahidiinta ay kasoo furteen ciidamada Nigeria ee lagu weeraray saldhiga deegaanka Madaal.

Bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta ayaa lagu xusay in weerarkan loogu aarguday dadka Muslimiinta ee sida joogtada ah ay u dhibaateeyaan ciidamada dowlada Nigeria.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Gaadiidka Iyo Hubka Laga Qabsaday Dowlada Nigeria.

Calamada.com

Comments are closed.