Dhageyso Muxaadaro Ka Hadleysa Taczida Sharciga Ah Iyo Sheekh Shariif Cabdi Nuur Raximahullaah.

Maanta oo Jimco ah Taariikhduna ay ku beegantahay Labaatanka bisha Shawaal waxa uu Webseytka Calamada idiin soo gudbinayaa Muxaadaro Qayim Ah.

Muxaadaradan cinwaankeedu yahay waa noocee Taczida Sharciga ah ee Banaan iyo Midda aanan banaaneen,waxaa muxaadaradan soo jeedinayo Allaah ha u naxariisto Sheekhul Callaamah Sheekh Shariif Cabdi Nuur oo Labo iyo Tabankii bishaan Shawaal ee sanadka(1438 Hijri) ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makah Al-mukaramah.

Muxaadardan ayaa ah taliiq Sheekha uu saaray Khudbo maalin Jimco ah laga akhriyay Masjid uu Sheekha ku dukaday Salaada Jumcaha taasi oo ku saabsaneed Mowduuca aan kor kusoo xusnay.

Halkan Ka Dhageyso Muxaadarada Qayimka Ah.

Halkan Ka Degso Muxaadarada Oo Tayo Sare Ah.

Calamada.com