Dhageyso Kulan Ballaaran Oo Dhexmaray Beesha Mucalim-weyne Iyo WI Jubbooyinka.

Degmada Saakow ee wilaayada Jubbooyinka waxaa kusoo gaba gaboobay kulan ballaaran oo halkaasi ku dhaxemaray Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka iyo waxgaradka beesha Mucalimweyne.

Munaasabadii kulanka lagu soo gaba gabeeynayay waxaa ka hadlay Waaliga Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka Sheekh Muxamed Abuu Cabdalle iyo Waaliga Wilaayada Islaamiga Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ka mid ahaa marti sharafkii lagu cazuumay munaasabada.

Sidoo kale goobta kulanka waxaa ka hadlay nabadoonka guud ee beesha Mucalim-weyne oo qeyb ka ah beelweynta Raxanweyn iyo sidoo kale qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka beeshaasi.

Gaba gabadii kulankan waxaa laga soo saaray qodobo ay kala saxiixdeen Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka iyo beesha Mucalimweyne taasi oo salka ku heysa difaaca diinta Islaamka.

Halkan Ka Dhageyso Kalimadihii Laga Jeediyay Kulanka.

Calamada.com

Comments are closed.