Imaarada Islamiga Afghanistan Oo Si Kulul U Cambaareysay Xadgudubka Yahuuda Ee Masjidul Aqsaa.

Iyadoo maalintii shalay weerar hubeysan oo ka dhacay magaalada Al-Qudus ayna fuliyeen dhalinyaro Mulsimiin ah kaasi oo lagu dilay Labo Askari oo Yahuud ah ayaa maamulka Yahuudda ee gumeysiga ku heysta dhulkaas barakeysan wuxuu gebi ahaanba xiray Masjidka Al-Aqsaa.

Maalintii shalay wax salaad ah laguma tukan masjidka, welina waxaa ku sugan ciidamo Yahuud ah oo isku gedaamay masjidka, islamarkaana muslimiinta u diidaya iney gudaha u galaan masjidka.

Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa bayaan kooban oo ay soo saartay waxay uga hadashay xadgudubyada ay Yahuudu ka wadaan masjidka Al-Aqsaa, iyagoona soo hadal qaaday weerarkii shalay ka dhacay halkaas.

“ Imaarada Islaamiga oo wakiil ka ah shacabka muslimka ah ee Afqaanistaan waxay si kulul u cambaareyneysaa xadgudubka ciidamada Yahuudda..” ayaa lagu yiri bayaanka Imaarada Islaamiga kasoo baxay.

Bayaanka ayaa loogu baaqay dadka Muslimiinta ee ku dhaqan wadamada Caalamka Islaamka iney ka dhiidhiyaan Jawaabna ka bixiyaan xad gudubka ciidamada Yahuuda ay kula dhaqaaqeen Masjidka Barakeysan ee Al-aqsaa.

Calamada.com