Dhageyso Cumar Mucalim Isxaaq Oo Qansaxdheere Lagu Dilay.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar culus ku qaadeen difaacyada maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin ay ka sameysteen degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay.

Dagaalkan oo barqo nimadii maanta dhacay waxa uu sababay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay maleeshiyaatka maamulka Shariif Sakiin ee degmadaasi.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalkaasi ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ku dileen taliyihii maleeshiyaatka Murtadiinta ee degmada Qansaxdheere kaasi oo lagu magacaabi jiray Cumar Mucalim Isxaaq Cabdulle kaasi oo lala dilay labo askari.

Andalus waxey intaasi ku dartay in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay gacanta ku dhigeen Labo qori oo maleeshiyaatka maamulka u adeega dowlada Xabashida Itoobiya difaacyadii lagu dagaalamay kaga carareen.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Andalus Ee Weerarka Qansaxdheere.

Calamada.com

Comments are closed.