Qarax Ka Dhacay Degmada Hodan.

Qarax loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuura waxaa lagu weeraray maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka oo ku sugnaay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaatka Bam gacmeedka lagu weeraray ayaa ku sugnaay agagaarka isgoyska Black Sea degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dhawaaqa qaraxa Bamka waxaa si aad ah looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha degmada Hodan,iyadoona ilaa iyo imika si rasmi ah aan loo xaqiijin khasaaraha askarta dowlada lagu gaarsiiyay qaraxaasi.

Qaraxan Bam waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaat ka tirsan dowlada Farmaajo lagu dilay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Calamada.com

Comments are closed.