Dhageyso Toogasho Ka Dhacday Duleedka Boosaaso.

Af-Urur Raid

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay toogasho ka dhan ah maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland ay ka dhacday duleedka magaaladaasi.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in shiishyahanada Shabaabul Mujaahidiin duleedka deegaanka Galgala ku toogteen askar ka tirsan maleeshiyaatka Puntland.

Toogashadan waxaa ku dhintay hal askari mid kalane waa ku dhaawacmay oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka Puntland.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin qeybta ku sugan ama ka dagaalama dhulka uu ka arimiyo maamulka dowlada Itoobiya dhisatay ee Puntland ayaa sii kor dhiyay weerarada ka dhanka ah maamulka Cabdi Wali Gaaz.

Halkan Ka Dhageyso Sida Toogashada Uga Dhacday Duleedka Galgala.

Calamada.com