Dhageyso Kamiin Askar Fara Badan Lagu Dilay.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyo isugu jirta Shisheeyaha Afrikanta iyo kuwa maleeshiyaatka dowlada federaalka oo kasoo baxay degmada Qoryooley islamarkaana dhaqdhaqaaqyo ka waday duleedka degmadaasi.

Weerarka dhabba galka ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Kali Liibaan,iyadoona kamiinka markii dambe dagaal culus isku badalay.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta waxey sheegeen in dagaalka markii muddo socday kolanyada Kufaarta iyo Murtadiinta ay ku qasbanaadeen iney goobta dagaalka ka cararaan oo gudaha u galaan degmada Qoryooley.

Idaacada Andalus oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta waxey baahisay in kolanyada shisheeyaha iyo maleeshiyaatka dowlada khasaara culus lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.

Kolanyadan ayaa gaari Hoomey ah ka buuxsaday askartii looga dilay Kamiinka iyo kuwii looga dhaawacay oo ay la galeen degmada Qoryooley.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo xalay dagaal culus ku qaaday degmada Qoryooley ayaa sidoo kale galinkii dambe ee maanta markale weerar culus ku qaaday difaacyada Shisheeyaha iyo kuwa Murtadiinta ee gudaha iyo duleedka degmada Qoryooley.

Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Howlgalada.

Calamada.com

Comments are closed.