Gaduudow Oo Lagu Dilay Degmada Baydhabo.

Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin.

Dilkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay xaafada Buulo Jameeco gaar ahaan agagaarka saldhiga degmada,iyadoona faahfaahino ay kasoo baxayaan dilka askarigaasi.

Askarigan lagu dilay Beydhabo waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Gaduudow kaasi qeyb ka ahaa maleeshiyaatka Shariif Sakiin u qaabilsan aruurinta lacagaha baada ah ee maamulkiisa uu ka qaado ganacsatada iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Habeenkii xalay ayey aheed markii sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ay ku dileen askari ka tirsan dowlada Ridada federaalka kaasi oo ay ka qaateen qori AK47 ah oo uu ku hubeysnaay.

Calamada.com