Faahfaahino Laga Helayo Qarax Ka Dhacay Sh/hoose.

Warar dheeraad ah waxey kasoo baxayaan qarax culus oo saacadihii lasoodhaafay kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta lagula beegsaday duleedka degmada Afgooye.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago taasi oo lala beegsaday Kolanyo Shisheeyaha ka tirsan oo dhaqdhaqaaq ka waday duleedka degmada Afgooye.

Miinada ayaa haleeshay oo burburisay gaari nooca Taw-ga ah kaasi oo ka mid ahaa gaadiidkii ay wateen kolanyada la qarxiyay.

Sidoo kale qaraxa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo ka tirsan Kufaarta Afrikaanta kuwaasi oo la socday gaariga ay miinada haleeshay.

Calamada.com

Comments are closed.