Ciidamada Jabuuti Oo Markale Lagu Weeraray Hiiraan.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saqdii dhexe ee xalay dagaal culus ku qaadeen difaacyada ciidamada Murtadiinta Jabuuti ay ka sameysteen degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.

Ciidamada Jabuuti waxaa sigaar ah loogu weeraray saldhiga iyo difaacyada ay ka sameysteen xaafadaha dhanka Galbeed ee degmada Jalalaqsi.

Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dadka degmada oo la hadlay warbaahinta waxey sheegeen in dagaalkii xalay uu ka mid ahaa dagaaladii ugu cuslaay ee bilihii dambe ka dhacay degmadaasi.

Dagaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli maalmo ka hor tobaneeyo isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada Ridada Jabuuti dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen qarax miino oo lagula beegsaday galbeedka degmada Jalalaqsi.

 

Calamada.com

Comments are closed.