Weerar Khasaara Culus Lagu Gaarsiiyay Shisheeyaha Oo Sh/hoose Ka Dhacay.

Wararka laga helayo degmada Buulo mareer ee gobalka Shabeelada hoose waxey sheegayaan in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta uu ka dhacay duleedka degamdaasi.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Barqo nimadii maanta weerar dhabba gal ah u dhigay kolanyo ka tirsan shisheeyaha oo ku socdaalayay deegaanka Golweyn ee duleedka degmada Buulo mareer.

Kamiinka waxa uu isku badalay dagaal culus,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeelada hoose.

Dadka deegaanka oo si hordhac ah ula hadlay warbaahinta waxey sheegeen in gaadiid dagaal shisheeyaha AMISOM looga gubay dagaalka.

Sidoo kale dadka deegaanka waxey intaasi ku dareen in goobta dagaalka lagu arkayo meydadka tiro askar ah oo ciidamada Kufaarta Afrikaanta looga dilay dagaalkaasi.

Lasoco Waxii Kusoo Kordha.

Calamada.com

Comments are closed.