Tobaneeyo Askari Oo AMISOM Looga Dilay Dagaal Ka Dhacay Sh/Hoose iyo Xarakada Al Shabaab Oo War Kasoo Saartay.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta barqadii ka dhacay deegaanno ku dhow magaalada Buula Mareer ee gobolka Sh/Hoose.

War Rasmi ah oo goordhow kasoo baxay Taliska ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 39 Askari oo Jeneraallo Yugaandheys ah ay kamid yihiin lagu dilay dagaallo ka dhacay deegaanada Danoow iyo Golweyn.

Afhayeen u Hadlay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadoodu ay gacanta ku dhigeen 39 Meyd oo katirsan ciidamada AMISOM islamarkaana ay kamid yihiin Jeneraallo melleteri.

“Allaahu Akbar Muslimiinta waxaan ugu bishaaraynaynaa in dagaallo saaka ka dhacay wilaayada Sh/Hoose lagu jabiyay gaalada, Mujaahidiintu waxay dul istaageen oo ay gacanta ku hayaan Meydadka 39 Askari oo saraakiil sare sare kamid yihiin, dhammaan wixii hub ahaa ee ciidankaasi watayna waa laga qaniimeystay” sidaas waxaa yiri Afhayeen u hadlay Taliska ciidanka  Mujaahidiinta Al Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sedax weeraro oo aad uculus ay Ciidamada Mujaahidiinta  Al Shabaab u dhigeen ciidamo ka amba baxay dhanka Danoow kunasii Jeeday Buula Mareer, ilo wareedyo madax banaan waxay xaqiijinayaan in ciidamada Al Shabaab ay goobta dagaalka ka rarteen saanado melleteri iyo agabyo kale.

Waa weerarkii Ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada AMISOM loogu geysto gobolka Sh/hoose tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Janaale oo 50 Askari looga dilay dowladda Uganda.