Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Degmada Buulo Burte.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin qeybta maamulka Islaamiga gobalka Hiiraan waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen difaacyada iyo saldhiga ciidamada dowlada Ridada Jabuuti ay ka sameysteen degmada Buulo burte ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Saldhiga ciidamada Jabuuti ay ka sameysteen dhanka Ceel-qansaxle ee degmada Buulo burte ayuu dagaalka si gaar ah kaga dhacay,waxeyna labada dhinac dagaalkaasi isku weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan,wali lama soo xaqiijin khasaaraha askarta Jabuuti lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.

Habeen hore ayeey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal culus ku qaadeen saldhiga ciidamada Jabuuti ay ka sameysteen dhanka Galbeed ee degmada Jalalaqsi oo iyaduna ka tirsan gobalka Hiiraan.

Calamada.com

Comments are closed.